Taariirkh nololeedka Shiikhii Gaalkacyo lagu dilay maanta

by admin | Monday, Nov 26, 2018 | 841 views

Waxaa magaciisa oo saddaxan uu ahaa Sh Cabdi wali Sh Cali Cilmi Yare.

Sida uu BBC u sheegay nin aqoon dheer u lahaa sH CabdiWali ayaa da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo lixdan sano.

Sh Cabdiwali Sh Cali Cilmi Yare waxaa uu ku dhashay tuulo lagu magacaabo Laguraqsay oo Gaalkacyo qayaastii dhowr iyo lixdan kiilomitir dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan.

Waxaa uu xifdinta Quraanka iyo Tafsiirkiisaba ku bartay isla tuulada uu ku dhashay oo uu aabihii ka ahaa wadaad caalim ah, mowlacna uu ku lahaa.

Aabihii, Sh Cali Cilmi Yare waxaa uu ahaa wadaad aad diinta u yaqaana islamarkana faafiya,gaar ahaan waxa uu caan ka ahaa gobolka Mudug.

Sh Cabdi Wali markii uu soo hanaqaaday waxa uu noqday nin kaxeeya gawaarida xamuulka qaada islamarkana shaqada darawalnimada waxaa uu ka shaqaysanayay muddo.

Muddadii uu xerta ahaa “waxa uu khilaaf dhexmaray isaga iyo raggii khaadumiinta u ahaan jiray aabihii Sh Cali Cilmi Yare, sababtana waxa ay ahayd hab dhaqankiisa oo ay sheekha uga warami jireen”.

Horraantii sanaddii 2000 ayuu Sh CabdiWali waxaa uu magaalada Muqdisho ka furtay xarun dadka uu Quraanka ku saari jiray halkaasi oo uu dadka wax uga tumi jiray quraana ku saari jiray sida uu sheegay nin magaciisa qariyay oo shiikha aqoon duruqsan u lahaa oo BBC’da la hadlay.

Sanadii 2006 markii ay maxkamadaha qabsadeen magaalada Muqdisho waxaa uu u soo wareegay magaalada Galkacyo, halkaasi oo quraan saarkii uu ka sii waday kitaabna uu ka akhrin jiray.

Sida uu BBC u sheegay ninka aqoonta dheer u lahaa, Sh Cabdiwali ayaa 2012 billaabay in uu qasiidooyiin sameeyo.

Sanad ka dib waxaa uu magaalada Gaalkacyo ka furay xarunta maanta la weeraray oo uu u bixiyay “Xarunta Nabiga”.

Xaruntan ayaa waxaa uu isugu keenay dhallinyaro, halkaasi oo uu ka soo saari jiray Heeso iyo Nabi ammaan muran dhaliyey.

Waxaa xarunta agteeda ku taalay goob ay maamulka Galmudug ugu talagaleen in xarunta haweenka in ay noqoto balse Sh Cabdi wali ayaa xaruntaasi ku darsatay ka dib markii uu sheegay in uu u baahan yahay.

“Maadaama uu Sh Cbadiwali diinta yaqiinay waxaa uu iigu jawaabay in wax kasta uu mas’alo diini ah u hayo, islamarkaana ciddii doonaysa in laga jaahil bixiyo ay soo fariisato”. Ayuu yiri

Sh Cabdi wali Sh Cali Cilmi Yare ayaa dadka dhaliila waxay ku eedeeyeen in uu shaaciyay masawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Balse wareysi uu bishii September, 2017 siiyay BBC ayuu ku beeniyay eedeeyntaasi loo soo jeediyay.

“Anigu cilmigaa ma gaarin wax lug ahna kuma lihi” ayuu yiri.

Sh Cabdiwali ayaa sheegay in sawirka la sheegay uu yahay midka Sheekhiisa.

“Adiga ayaan kaa maqlayaa nabi Maxamed ayaa la soo sawiray, laakiin sheekeyga ayaa Maxamed la yiraahdaa waana xabiibkeyga, nabi Maxamedna kuma sheegin haddana ku sheegi maayo” ayuu yiri.

Saaka ayay rag hubaysan waxay gudaha u galeen xaruntii sh Cabadiwali iyo qaar ka mid ah xirtisa lagu dilay.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaas, waxayna sheegeen inay hore ugu digeen.

Like it? Share it!

Leave A Response