Taliska Ciidanka DANAB oo sheegay in dagaal ka dhacay Gobolka Jubada Hoose lagu dilay xubno katirsan ‘AS’.

by admin | Sunday, Aug 13, 2023 | 217 views

Taliska Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Janaay Cabdalla Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland in lagu dilay dagaalamayaal katirsan ‘AS’.

Talisku waxa uu sheegay in xubnaha katirsan ‘AS’ ee weerarka lagu beegsaday in ay qorsheynayeen sidii ay weerar toos ah ugu qaadi lahaayeen mid kamid ah saldhigyada Ciidamada Federaalka & Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka Janaay Cabdalla.

Taliyaha ururka 5aad ee Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in 7 kamid ah ‘AS’ lagu dilay weerarkaan ay qaadeen ciidanka uu hoggaamiyo oo kahortag ku sameeyay abaabulka duullaanka kusoo wajahnaa.

Taliye Carab ayaa intaas ku daray in Ciidamada DANAB iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee dhowaan saldhigga ciidan kala wareegay askarta midowga Afrika ee ATMIS ee laga saaray Dalka in ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah ‘AS’.

Like it? Share it!

Leave A Response