Taliska Ciidanka xooga oo sheegay inay burburiyeen Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

by admin | Monday, Aug 16, 2021 | 243 views

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa DANAB ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano ka tirsan ee Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada waxaa ay ka fuliyeen degaano Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay bur buriyeen Gaadiid ay waxyaabaha qarxa ku diyaariyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha DANAB waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo Maxkamado u ahaa Al-Shabaab, isla markaana howlgal ay ka fuliyeen degaanka Tooratoorow ku qabteen Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha laga qaado Gaadiidka, kaas oo Magaciisa ay ku sheegeen Ibraahim Dheere.
Ugu dambeyn Saraakiisha DANAB waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku dileen 7 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena guud ahaan ay xaqiijiyeen ammaanka degaanka tooratoorow oo saldhig weyn u ahaa Al-Shabaab.
Ciidamada dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa DANAB ayaa inta badan waxaa ay howlgallo gaar ah ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka, hayeeshee ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response