Qaraxyo ka dhacay meel ku dhow Safaaradda Maraykanka ee Kabul

by admin | Monday, Aug 16, 2021 | 227 views

Labo Qarax ayaa waxaa la sheegay inay ka dhaceen meel ku dhow Safaaradda Maraykanka iyo Qasriga Madaxtooyada ee magaalladda Kabul.
Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta Sputnik ee Raashiya waxay sheegeen inay Qaraxyada dhaceen, kadib, markii ay Toogasho bilaabantay.

Goobjoogayaasha waxay kaloo sheegeen in uuro laga arkay Goobta ay Qaraxyada ka dhaceen.
Goobjoogayaasha waxay kaloo sheegeen inay Toogashada ku bilaabantay Qoryaha fudud iyo kuwa culus.
Ma kala cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxyada iyo Israasaynta Ka dhacday Kabul, waxayna arrintaasi ku soo beegantay iyadoo Dagaalamayaasha Daalibaan la wareegeen magaalladda Kabul, kadib, markii uu Madaxweynihii Afganistan, Ashraf Qaani uu isaga cararay Kabul, kadib, markii ay Daalibaan hareereeyeen Kabul.

Like it? Share it!

Leave A Response