Talyaaniga oo xal u raadinaya qulqulka tahriibayaasha Badda ku dhammaanaya.

by admin | Friday, Aug 11, 2023 | 130 views

Dowladda Talyaaniga ayaa qaadeysa tallaabooyin muhiim u ah kahortagga qulqulka tahriibayaasha ku dhammaanaya Xeebaha Dalkaas oo todobaadyadii u dambeeyay kordhay sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Roma.

Qorshahaan waa uu ka ballaaran yahay isku dayadii hore oo waxaa la xoojinayaa ciidamada ilaalada Xeebaha ee roondada ka sameynaya Xeebaha Talyaaniga, Biyaha Caalamiga ah iyo kuwa la shaqeynaya waddamada ay kasoo baxaan Tahriibayaasha.

Xukuumadda Roma ayaa tilmaamtay in ay ku howlan tahay sidii ay u xoojin lahayd iskaashiga Waddamada Afrika ee inta badan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika kuwaas oo noqday marinka ay kasoo gudbaan Tahriibayaasha.

Tobonneeyo ruux ayaa geeridooda la xaqiijiyay todobaadyadii u dambeeyay halka qaar kale oo garaab ah (Liita) la badbaadiyay lana dhigay goobaha Caafimaadka sida ay wadajir u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay.

Talyaaniga ayaa horay heshiisyo kala duwan oo lagu xakameynayo qulqulka Tahriibayaasha ah waxa uu la galay Dalalka Xeebta leh ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika balse heshiiskaan ma joojin safarka badda ee halista badan geliyay dhalinyaro badan oo qaarkood weli la la’ yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response