Tirada dadka ku geeriyooday Dhul-gariir ka dhacay dalka Turkiga oo Kordhoy

by admin | Monday, Feb 6, 2023 | 312 views
Ugu yaraan 17 qof ayaa la shaaciyey inay ku dhinteen dhul-gariir Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay K/Bari ee dalkaasi.
Saraakiil Maxali oo la hadlay Wakaallada Wararka ee AFP ayaa sheegay in la cabsi qabo inay Tirada dhimashada sii kororto, maadaama ay Dhismooyin badan burbureen.
Saraakiisha waxay tilmaameen inay 5 qof ku geeriyootay Gobalka Osmaniye, halka 10 kalena ku dhinteen magaalladda Şanlıurfa oo ku taalla meel u dhow xuduudka Turkiye la wadaagto dalka Syria.
Guddoomiyaha Gobalka Sanliurfa Salih Ayhan waxa uu sheegay inay ugu yaraan 12 qof ku geeriyootay Gobalkiisa oo keliya.
Ilaa 3 dhul-gariir oo is-xigxigay ayaa waxa uu Waaberigii hore ee saakayto ku dhacay dalkaasi.
Balse, Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiye, Suleyman Soylu waxa uu tilmaamay in 6 dhul-gariir oo cabirkooda ka sareeyey 6 rector scale uu ku dhuftay dalkiisa tan iyo Waaberigii hore ee saakayto oo Isniin ah.
Like it? Share it!

Leave A Response