Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

by admin | Monday, Feb 6, 2023 | 286 views

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in uu Maanta jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana ajandayaasha Maanta kulanka ay yihiin:.

1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Korantada

Wararka aan helnay ayaa sheegaya inay u badan tahay in Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ansixiyaan Hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Korantada.

Like it? Share it!

Leave A Response