Tiro dad ah oo u dhintay cudur ka dilaacay Nigeria

by admin | Wednesday, Jan 29, 2020 | 560 views

Mas’uuliyiinta dalka Nigeria waxay sheegeen in 41 qof ay u dhinteen cudurka Lassa oo ka dilaacay dalkaas tan iyo horraantii bishan.

Xarunta xakameynta cudurrada ee Nigeria ayaa sheegtay inay hayaan 250 kiisas oo ku saabsan qandhada Lassa.

 

Waxaa la sheegay in cudurkan uu lamid yahay caabuqyada Ebola iyo Marburg balse uu ka dhimasho yar yahay.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 170 qof ay ugu dhinteen Nigeria isla caabuqa Lassa.

Cudurka Lassa waxaa laga qaada Jiirka gaar ahaan qofkii taabta saxaradiisa ama kaadidiisa.

Dowladda waxay sheegtay inay sameysay xarun gurmad degdeg ah oo loogu talagalay in looga falceliyo kiisaska la xiriira cudurkan

Like it? Share it!

Leave A Response