Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria

by admin | Wednesday, Jan 29, 2020 | 572 views

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Dalka Burkina Faso ayaa Caasimadda dalkaasi waxa uu kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga baarlamaanada labada wadan.

Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa isku afgartay siddii xiriir khibrad isweydaarsi ah u sameysan lahaayeen.

 

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulankooda ka dib ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria Suleymaan shaneyn waxu uu faah faahiyay waxa ay isku afgarteen.

 

Like it? Share it!

Leave A Response