Ukraine oo sheegtay in ay soo ridday Diyaarad kuwa waxbasaasa ah oo Russia leedahay.

by admin | Tuesday, Jan 16, 2024 | 68 views

War kasoo baxay Militariga Ukraine ayaa lagu sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca wax-basaaso ah oo ay leeyihiin dhiggooda Ruushka gaar ahaan nooca loo yaqaan A-50 balse Kyiv masoo raacin caddaymo muujinaya sheegashooda.

Diyaaradda A-50 waa kuwo casri ah oo haysta Raadaarka awoodda badan ee diyaaradaha waxaana ay gudbin karaan xogaha goobaha ay dulmaraan muddo kooban sida ay sheegeen khubarrada aqoonta u leh diyaaraddaan.

Ciidamada Ruushka ayaa weerarro xooggan ku haya dhiggooda Ukraine waxa ay muddooyinkii dambe soo bandhigayeen muuqaallo ay kasoo duubeen deegaanno kamid ah meelaha ay joogaan iyaga oo beegsanaya ciidan Ukraine ah.

Kyiv ayaa sheegtay in dhibaato xooggan ay gaarsiisay ciidanka Moscow ee duullaanka kusoo qaaday horraantii 2022 waxaana ay intaas ku dartay in gubtay diyaarado, Taangiyo & agab kale ciidan oo ah kuwa casriga ah.

Moscow ayaa dhankeeda sheegtay in ay toogatay calooshood u shaqaystayaal badan iyo saraakiil katirsan Militariga Ukraine kuwaas oo kusoo dhacay tabinno ay u dhigeen waa sida lagu sheegay war kasoo baxay Ruushka.

Like it? Share it!

Leave A Response