DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Gobalka Banaadir

by admin | Tuesday, Jan 16, 2024 | 54 views

Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo badan oo magaalada ah ayaa goordhaweyd ka dhacay Muqdisho, waxaana la helayaa warar ku aaddan qaraxaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid ismiidaamin ah, oo lala beegsaday qaybo ka mid ah Xarunta Gobolka Banaadir, sida ay ku warramayaan wararka hordhaca ah ee aynu ka helayno halka qaraxaasi ka dhacay.

Wararka aynu helnay waxaa ay sheegayaan in Darbiga Xarunta Gobolka, gaar ahaan meel ay ku badnaayen dad shacab ah lala beegsaday Qaraxaasi, inkastoo aan wali la xaqiijin.

Khasaare ayaa ka dhashay sida lasoo sheegayo, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin.

Like it? Share it!

Leave A Response