waa maxay ujeedka socdaalka Abiy Ahmed ee Asmara?.{sawiro}

by admin | Saturday, Jul 18, 2020 | 437 views

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho lama filaan ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyneaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Abiy Ahmed ayaa wadahadalo la leh madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki caasimada dalkaasi ee Asmara, waxa ayna ka wada hadlayaan dadaal lagu riixo howsha iskaashiga labada dowladood oo horey u kala saxiixday heshiis nabadeed labo sano ka hor.Image may contain: 1 person, indoor

Booqashada ayaa timid kadib wada hadallo ay labada dhinac yeesheen oo ku saabsan ku qanacsanaanta horumarka xiriirka Addis Ababa iyo Asmara, sida la rajeynayo waxa ay isku soo hadal qaadi doonaan xirirka Itoobiya iyo Masar oo haatan murugsan.

Booqashada ayaa ah tii shanaad ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Asmara kadib markii labada dal ay soo afjaraan khilaafaadkoodii  bishii Luulyo 2018, waxayna kala saxiixdeen heshiis dib-u-heshiisiineed oo taariikhi ah oo soo afjaray khilaaf socday in ka badan labaatan sano.Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa booqday Addis Ababa horaantii bishii May 2020 booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadatay, taasoo ah muuqaalkii ugu horeeyay ee ka dib markii la sheegayay in uu u dhintay Coronavirus.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Abiy ee Asmara ayaa ku soo aaday, iyadoo Itoobiya ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo rabshado dad fara badan ku dhinteen oo ka dhashay dilkii Fanaankii caanka ahaa ee reer Oromo Haacaaluu Hundeesa.Image may contain: one or more people and people standing

Like it? Share it!

Leave A Response