Iran oo Somalia ka wadda qorshe la mid ah xeeladdii Ruushka ee Afghanistan

by admin | Saturday, Jul 18, 2020 | 411 views

Iran ayaa waxa ay xiriir qarsoodi ah la sameysatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya si loo dhaawaco danaha Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska Mareykanka ee Foreign Policy.

Ayada oo raaceysay naqshaddii Ruushka ee Afghanistan, ayaa Tehran waxay Al-Shabaab u adeegsaneysaa inay ku weerarto militariga Mareykanka iyo ciidamada kale ee Reer Galbeedka ah ee jooga Soomaaliya iyo gobolka, sida saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa sirdoon ay u sheegeen wargeyska.

Ruushka ayaa dhowaan la ogaaday inay sanado u adeegsanayeen kooxda Taliban weeraro ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo xulufada NATO ee Afghanistan.

Tehran oo adeegsaneysa lacag si ay dagaalyahano u shaqaaleyso, ayaa Soomaaliya ka dhistay shabakad qarsoon, iyo koox fududeeyayaal ah oo taageero siiya xagjiriinta ka jira dalka, si loo wiiqo saameynta Mareykanka iyo dalalka Khaliijka ay ku leeyihiin dalka, sida ay tiri warbixinta Foreign Policy.

Ad by Valueimpression

Sida warbixinta ay sheegtay, waxyaabaha ay Iran u adeegsaneyso Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah inay hub u mariso kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyo inay Soomaaliya kasii gudbiso hub ku socda dalal kale oo ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, South Sudan, Mozambique, iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiaga ah ee Iran ayaa ah kooxda ugu weyn ee ka howl-gasha Soomaaliya, waxaana garabka Qudus ee kooxdan uu xiriir xooggan la sameystay shabakadaha xagjiriinta Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil Soomaali ah.

Saraakiil ka tirsan booliska iyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Xoogagga Qudus ay shabakadaha Soomaaliya u adeegsadaan inay saliid sharci-darro ah geeyaan Soomaaliya, kadib ayada oo raqiis ah ay ka iibiyaan dalal ku yaalla Afrika, si looga dhuunto cunaqabateynta uu Mareykanka saaray, waxaana qaar ka mid ah lacagta kasoo baxday lagu taageeraa Xuutiyiinta Yemen iyo Kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka ayaa joogteeyey in Iran ay Soomaaliya ka wadday howl-gallo qarsoon oo lagu waxyeeleynayo joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya, ayada oo hub horumarsan iyo kiimikada laga sameeyo qaraxyada la siinayo Al-Shabaab.

Saraakiisha militariga waxay tuhunsan yihiin in Iran iyo kooxaha ku xiran ay ka dambeeyeen weeraro lagu qaadaty militariga Mareykanka, ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Sarkaal sare oo ka tirsan militariga ayaa sidoo kale ku warramay in Soomaaliya ay tuhmeyso in Al-Shabaab ay lacag iyo qalab ka heshay Iran, islamarkaana lacag kale oo dheeri ah lagu siiyo weerar kasta ama askari kasta oo ay ku dilaan Soomaaliya ama dalalka deriska la ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga Soomaaliya, lacagta, hubka iyo rasaasta Iran ayaa suurta-gal ay tahay in loo adeegsaday weeraro Al-Shabaab ay sanadihii 2019 iyo 2020 ka fulisay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo lala beegsaday militariga Mareykanka.

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa howl-gallo ay ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay ku qabteen hub, qalab iyo kiimiko laga sameeyo qaraxyada oo ka yimid Iran. Saraakiisha ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 2017 ay weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya noqdeen kuwa aad u dhimasho badan, sababtuna ay tahay hub ka yimid Yemen iyo Iran.

Al-Shabaab ayaa 5-tii Janaayo weerartay saldhigga Simba ee Kenya, oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka. Weerraka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Mareykanka uu Iraq ku dilay taliyihii ciidamada Qudus ee Iran Qassem Suleimani. Inkasta oo Shabaab ay sheegtay inuusan xiriir ka dhaxeyn weerarkooda iyo dilka Suleimani, haddana xilliga weerarka iyo taariikhda Al-Shabaab ayaa soo jeedinaya in labada weerar ay xiriiraan.

30-kii September 2019, Al-Shabaab ayaa babuur qaraxyo lagu buuxiyey ku weerartay saldhigga Ballidooge ee gobolka Sh/Hoose, oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka, hase yeeshee weerarkaas ayaa waxaa iska caabiyey ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida, islamarkaana laayey xubnihii Shabaab ee soo qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response