Wadamada Safka hore oo sheegay in ay ka qayb qaadanayaan Hawlgallada ka dhan ka ah Alshabaab

by admin | Saturday, May 20, 2023 | 352 views

Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxana shir guddoominay Taliyaha Ciidanka hawlgalka wada jirka ah Jeneraal Maxamed Cali Bariise,iyadoo kulankan diirada lagu saaray muhiimada hawlgalkan wada jirka ah iyo sidii bulshada qayb uga noqon lahayd.

Sidoo kale , Shirka ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dalalka Safka hore ee kala ah Jabuuti,Ethiopia,Kenya iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Dalalka Safka hore ayaa balan qaaaday in kaalin weyn ay ka qaadan doonaan dagaalka ka dhan aka Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response