Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha Muqdisho Oo Banaanbaxay

by admin | Thursday, Sep 19, 2019 | 550 views

Saakay waxaa qeybo ka mid ah Magalada muqdisho banaanbax ka dhigay qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha,kuwaas oo ka cabanaya in lacago dheeraad ah lagu soo rogay taas oo aysan awoodin inay dhiibaan.

Gaadiidkaan dadweynaha ayaa ka dhex-Shaqeeya Isgoyska Sanca ilaa degmada Xamarweyne,waxaana qaarkood ay sheegeen in sarkaal ka tirsan Maamulka degmada Boondheere uu ku amray inay bixiyaan lacag dhan 100 oo Shillinka Soomaaliga.

Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ee PL-ka  ay sheegeen  shabakada Reegaay.com  in lacag sharci-darro ah lagu amray inay bixiyaan,hayeeshee taasi ay ka door bideen inay Shaqada joojiyeen.

Waxaa ay ka codsadeen Madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka Soomaaliya inay arrintaasi soo farageliyaan,isla markaana ay ka qabtaan dadka ka doonaya lacagta faraha  badan oo aysan ogeyn sababta ay u dhiibayaan.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Dowladda Hoose ee Muqdisho oo aan la xiriirnay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino cabashada ka timid wadayaasha Gaadiidka dadweynaha PL-ka ee ka dhex-Shaqeeya qeybo ka mid ah Magalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response