Wafdi ka socda Dowladda oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb

by admin | Tuesday, Jul 2, 2019 | 771 views

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in Magalada Dhuusamareeb ay gaaraan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya sida ay Risaala u sheegeen dad xog-ogaal ah.

Taliyeyaasha Ciidamada, Millateriga, Booliska iyo Asluubta ayaa lagu wadaa inay tagaan Magalada dhuusamareeb,waxaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu maalma ka hor sheegay in hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ka howlgeli doonaan Magalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya lagu wareejin doono Ciidamada Ahlusunna eek u biiray Galmudug si loogu biiriyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya loona qarameeyo.

Dad badan ayaa aaminsan in hadii shaarka loo bedelo kaliya Ciidamada Ahlusunna ee aan tababaro iyo isku-shaandheyn kale aan la sameyn ay weli muuqato awooda Maamulkii Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ku leeyahay Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxda Ahlusunna oo uu ugu horeeyo Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa habeen ka hor shaaciyay in hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ay ka howlgeli karaan Magalada Dhuusamareeb oo la filayo inay dhawaan ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response