faafaahin:11 askari oo lagu dilay gobolka Baay iyo Shabaab oo…

by admin | Tuesday, Jul 2, 2019 | 763 views

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay qaraxyo ka dhacay gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Qaraxyada oo ahaa kuwo Miino ah ayaa Al-Shabaab waxa ay baahiyeen in ay la beegsadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay agagaarka degmada Bardaale.

Qaraxa koowaad ayey sheegeen inuu haleelay gaari Uural ah oo ay wateen ciidamadaasi, kuna dileen 11 Askari oo Itoobiyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in gaariga uu qaraxu qabsaday oo uu ku xirnaa qoriga Zuugga ah uu gabi ahaan burburay.

Dhinaca kale qarax labaad ayey tilmaameen in ay la eegteen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaanka Awdiinle iyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxaasi khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ciidamadaasi, wallow aysan shaacin inta uu la’egyahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay AMISOM iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaasi.

Inta badan dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ka fuliya Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response