War Deg Deg ah: Duqeymo Xoogan oo xaley ka dhacey deegaano katirsan maamulka Jubaland

by admin | Monday, Feb 4, 2019 | 796 views

Wararka ka imaanaya gobolada jabooyinka ayaa sheegaya in habeenkii xaley ahaa ay weero xoogan oo dhanka circa ah kadhaceen magaalooyinka kala ah Jilib, Jamaame iyo Bu’aale ee gobolada Jubada hoose iyo Jubada dhexe ka tirsan.

Wararka ayaa sheegaya in weeraradaan ay daqiiqdo uun u dhaxeeyeen, goobjoogayaal
kusugan Degmada Jamaame ayaa xaqiijinaya in weerarka ku bilowdey gantaalo culus kadibna dagaalku fool ka fool isku bedeley dagaalaka jamaama ayaa lasheegey in uu socodey qadar 40 daqiiqo ah ayadoona dadka deegaanku ay sheegeen in ay arkayeen qiiq iyo holac aad u xoog badan oo kasoo baxayey mid kamid ah xeryaha ciidanka ay kulahaayeen degmada Jamaame ee gobolka jubbada hoose macadam qasaarahadhabta ah ee dagaalku geestey balse deegaanada miyiga ah ee hoostaga degmada jamaame ayaa laga dareemayaa ayadoona ururka alshabaab lasheegey in gawaaridooda aad u isticmaalayaan wadooyinka qarda jeexa ah lamina oga ilaa hada waxyaaba gawaridooda saran balse dadka qaar ayaa sheegaya in dhaawacyadii xaley ay u gudbinayaan meelo kabaxsan goobihii la duqeyey.

Dhanka kale degmada jilib ayaa ayaduna lasheegey in weerer culus oo mudo saacad ah socdey in ay kadhaceen kadib marka lasheegey in mar qura rasaasta noocyadeeda kala duwan is qabsatey meel u jirta 15 km jegmada jilib ayaa lasheegey in dagaalka xoogiisu kadhacey waqtiga oo habeen ahaa tartiis noma aya suura galin in aan ogaano cida dagaalka udhaxeeyey balse waxaa lasheegaya in degmada jilib so dulmareen diyaaradaha qumaatiga ukaca oo isticmaalaan ciidamada mareykanka
Dhanka kale degamada bu’aale ee gobolka jubada dhexe ayaa sheegaya in ayaduna xaley saqdii dhexe lagu garaacey gantaalo xoogan oo lala beegsanaayey fadhiisino ay ku ahaayeen ciidnak alshabaab degmadaasi Ilaayo 40 askari oo katirsan kooxda alshabaab ayaa lasheegey in ay kudhinteen weerarka isla markaana lagu burburiyey gaad dagaal oo ay lahaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response