Xaaska Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo dacweysay sirdoonka Ingiriiska

by admin | Monday, Feb 4, 2019 | 760 views

Muno Cabdulle oo ah Xaaska Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya C/Qaadir Muunin ayaa
dacwad ka gudbisay Sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaanno MI6.

Haweeeneyday ayaa sheegtay in Sirdoonka Ingiriiska ay qabteen oo ay jirdileen mar ay ka soo laabatay Soomaaliya iyada oo la kulantay Odaygeeda.

C/Qaadir Muumin ayaa heysta dhalashada Dalka Sweden,waxaana uu Soomaaliya ka aas aasay Ururka Daacish qeybtiisa Soomaaliya.

Waxaa ay Muna ku doodday in sanadkii 2013kii la qabtay, la jirdilay sidoo kalena loo adeegsaday Koronto lana bahdilay.

Haddii ay ku guuleysto dacwadda ka dhanka ah sirdoonka Ingiriiska ee MI6,waxaa ay Magdhow ahaan u heleysaa lacag dhan £1Milyan oo Bound-ka Ingiriiska ah.

Muna,waxaa ay ku nooshahay degaanka Berkshire ee dalka Ingiriiska Odaygeeda C/Qaadir
Muumin ayaa laga mamnuucay in uu galo Ingiriiska kaddib markii la xaqiijiyay in uu xiriir lalahaa Nin u dhashay Ingiriiska oo lagu magacaabo Mohammed Emwazi, ama Jihadi John oo Daacish u qaabilsan qoorgooynta.

C/Qaadir Muumin iyo qaar ka mid ah xubnaha Ururkiisa Sheekh C/Qaadir Muumin ayaa khudbado ka jeedin jiray Masaajidka Greenwich ee dalka Ingiriiska halkaas oo uu ka duufsaday Mohammed Emwazi iyo Michael Adebolajo.

Sheekh Muumin, ayaa waxaa uu sanadkii 2010kii ku soo laabtay Soomaaliya,waxaa uu xilligaas gubay Baasaboorkiisa Ingiriiska ahaa,waxaa uu ku biiray Al-shabaab,markii dambana waxaa uu Gobolka Bari kaga dhawaaqay garabka Daacish ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response