WAR-SAXAAFADEED SHIRKA BAXAR DAAR EE HOGGAAMIYAYAASHA SOMALIYA,ITOOBIYA IYO ERITREA

by admin | Saturday, Nov 10, 2018 | 854 views

Magaalada Baxar Daar ee Dalka Itoobiya waxaa lagu soo gabagabeeyay Shir laba maalmood socday oo u dhaxeeyay Madaxda Waddamada Itoobiya,Soomaaliya iyo Eritrea.

Shirkan ayaa inta badan xoogga lagu saaray is dhexgalka dhaqaalaha,Ganacsiga, isu socodka iyo horumarka.

Qodobada shirkan ka soo baxay waxaa ka mid ah in labada dal ee kala ah Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan madaxbanaanida dhuleed,siyaasadeed iyo dadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale dalalkaas ayaa bogaadiyay horumarka dhinaca amaanka iyo siyaasadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyna war-saxaafadeedka ayaa loogu mahad celiyay dadka iyo Dowladda Itoobiya oo shirkan marti gelisay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response