GUDDIGA DOORASHADA KOOFUR GALBEED OO SHEEGAY WAQTIGA AY QABSOOMEYSO DOORASHADA

by admin | Saturday, Nov 10, 2018 | 858 views

Guddiga doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay xilliga ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimo kaddib is casilaaddii Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ka hariddii uu isaga haray tartanka doorashada.

Xubin ka mid ah Guddiga doorashada oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Maxamed ayaa sheegay in Doorashada ay ku dhaceyso waqtiga loogu talagalay ee ah 17ka Bishan November oo ay naga xigto todobo maalmood oo kali ah.

Maxamed waxaa uu sheegay in Guddiga doorashada la dhameystirayo islamarkaana shaqada ay halkeeda ka sii socondoonto.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka Koofur Galbeed uu qorayo 12 xubnood iyo wixii ka badan in ay noqdaan Guddiga doorashad Guddoonka Baarlamaankana uu soo dhameystirayo xubnaha dhiman halkaasna doorashada jadwalkiisa ka soconayo.

Like it? Share it!

Leave A Response