Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Guriceel

by admin | Monday, Oct 25, 2021 | 355 views

Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ayaa Maanta waxaa degmada Guriceel ku dhexmaray dagaal goos goos ah, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka oo galay Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ayaa Maanta waxaa labada dbinac ay ku dagaalameen dhanka Waqooyi ee degmada Guriceel gaar ahaan dhulka u dhaxeeya Isbitaalka Istarliin, xero Birmad ilaa Jaamacadaha, halkaas oo ay ku xoogan yihiin xoogaga Ahlusunna.

Xaafadaha degmada Guriceel intooda badan ayaa waxaa ku sugan degmada Guriceel, halka xoogaga Ahlusunna ay ku sugan yihiin Waqooyiga degmada Guriceel, halkaas oo saacadihiia soo dhaafay ay kula dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Wararka kale ee aan ka heleyno degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in Isbitaalka Fayo Care oo kamid ah Isbitaaladda ugu shaqada badan degmadda Guriceel ay howshiisu hakaday kadib markii uu saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka maalinta  Saddexaad ka socda degmadda Guriceel, iyada oo uu horay u xirmay Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel.

Xaaladda degmada Guriceelbayaa ah mid kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay isku ridanayaan dhinacyada dagaalamay.

Like it? Share it!

Leave A Response