Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Laas-Caanood

by admin | Thursday, Mar 2, 2023 | 317 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka duleedka Magaaladaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka degaanka ee la Magac baxay SSC.

Xiisadda ayaa ka dambeeysay kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo aad u farabadan Somaliland geysay degaannada todobaadyadii la soo dhaafay ay dhinacyadu ku dagaalamayeen.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Laas-Caanood ayaa sheegay in xaaladda Magaalada ay tahay mid kacsan, isla markaana Bulshada Magaalada ay ka cabsi qabaan in markale dagaal uu dhaco.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Laas-Caanood duleedkeeda ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland adka degaanka degaanka ee la Magac baxay SSC, waxaana dagaalkaas ku dhintay in ka badan 100 Ruux.

Like it? Share it!

Leave A Response