Maamulka Jubbaland oo faah faahiyay kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo

by admin | Thursday, Mar 2, 2023 | 144 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu uga hadlayo arimo dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Maamulka Jubbaland, kulamadaas o ahaa kuwo horudhac ah, basle la filayo in saacadaha soo socda ay kulamo waaweyn qabsoomaan.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Madaxda Maamulka Jubbaland kala hadlayo dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Baay iyo Bakool.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulamada looga hadli doono sidii dib u heshiisiin look ala dhex-dhig lahaa hoggaanka Maamulka Jubbaland six al looga gaaro khilaafka Gobolka Gedo maadaama dadka kunool Gobolkaas ay diidan yihiin Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxwyene Axmed Maxamed Islaam.

Xogaha Risaala ay heleyso ayaa sheegaya in ay macquul tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo, isla markaana halkaasi uu ka furo shir looga hadlayo arrimaha Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response