Xildhibaan lagu dilay Magaalada Boosaaso

by admin | Thursday, Mar 2, 2023 | 149 views

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed oo kamid ahaa olaha degaanka Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa u geeryoodey dhaawac xalay fiidkii kooxo hubaysan ugu gaysatay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxaha hubeysnaa ay Xildhibaanka dhowr xabadood uga dhufteen qeybaha sare ee jirskiisa, taas oo keentay in uu soo gaaro dhaawac halis ah kadibna uu saaka u geeriyooday.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay dilkaas, isla markaana waxyaabihii kasoo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga xun Magaalooyinka Puntland, waxaana dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro lagu qaaday Xarumo kamid ah kuwa Maamulka.

Like it? Share it!

Leave A Response