Wararkii ugu danbeeyay Weerar Dad lagu laayay oo ka dhacay Galdogob

by admin | Thursday, Jan 18, 2024 | 74 views

Wararka aan ka heleyno magaalada Galdogob ee gobalka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saaka uu ka dhacay Weerar lagu dilay dhowr qof oo ku sugnaa goob maqaayad ah oo ku taalla magaalada.

Nin hubeysan oo watay qori AK-47 ayaa mar qura waxa uu weerar ku qaaday dad shacab ah oo joogay maqaayada oo aheyd mid lagu shaah cabo, isla markaana waxaa weerarkaas dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta ayaa ku dhintay rasaasta lagu furay, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana durbadii gurmad loo sameeyay dadkii dhaawacmay oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhintay uu ku jiro Taliyihii Kastanka Tuurdibi ee Liyuu Booliis, sidoo kalena waxaa la tilmaamay in ciidamo Boolis ah oo maqaayada ka agdhawaa ay toogasho ku dileen Ninkii weerarka geystay.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka magaalada Galdogob ee gobalka Mudug oo ay uga hadlayaan weerarkii dadka lagu laayay.

Like it? Share it!

Leave A Response