Pakistan oo Weerar aargudasho ah ka fulisay gudaha Iran iyo Xiisada oo kasii dartay.

by admin | Thursday, Jan 18, 2024 | 67 views

Waxaa kasii daraya xiisada u dhaxeysa labada dal ee dariska ah ee Pakistan iyo Iran, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Iran horraantii isbuucan duqeymo khasaaro geestay ka fuliyeen gudaha Pakistan.

Duqeynta Iran ka geesatay gobol katirsan Pakistan oo kuyaalla xadka ay labada dal wadaagaan ayaa dhaliyay dhimashada saddex carruur ah iyo dhaawaca labo kale, waxa ayna duqeyntaasi xiisad ka abuurtay labada dal.

Milatariga dalka Pakistan ayaa durba dhankooda qaaday weerar aargudasho deg deg ah, waxa ayna duqeyn ka fuliyeen gobolka Sistan-o-Balochistan ee dalka Iran, halkaas ay sheegeen milatariga Pakistan in ay ku beegsadeen koox argagaxiso ah.

Warbaahinta dalka Iran ayaa baahisay in weerarka ay geesteen milataruga dalka Pakistan ay ku dhinteen saddex haween ah iyo afar carruur ah , waxa ay sidoo kale xuseen in ay jiraan dhaawacvo kale oo dad shacab ah soo gaaray.

Dowladaha Pakistan iyo Iran ayaa isku eedeenaya in midbo midja kale uu qarinayo kooxo argagaxiso ah, waxa ay sidoo kale labada dhinac sheegeen weerarada ay geesteen in ay ku beegsadeen kooxo argagaxiso ah.

Xiisada u dhaxeysa labada dalka ee Pakistan iyo Iran ayaa laga cabsi qabaa in ay sii xumaato, waxaana labada dal warbaahinta isku marinayaan eedeymo kala duwan oo saameyn ku yeelanaya xiriirka labada dal.

Like it? Share it!

Leave A Response