Wariyaal tababar lagu furay Muqdisho.

by admin | Saturday, Jan 20, 2024 | 70 views

Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa maanta daahfurtay qeyb kale oo ka mid ah tababarrada kobcinta awoodda gabdhaha saxafiyiinta ee Soomaaliya.

Waxaa tababarkan ka faa’ideysanaya gabdhaha warbaahinta oo ka kala yimid gobollada Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho. Waxaana ujeedka tababarka yahay sameynta iyo soo saarista sheekooyinka saameeya xuquuqda aadanaha iyo u qareemista.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay u mahadcelinaynaa Dowladda Canada 🇨🇦 oo taageertay tababarrada #SJS. Soo saarista sheekooyinka saameynta leh ee bulshada waxay u baahan yihiin xirfad. Tababarka Somali Journalists Syndicate – SJS wuxuu qeyb ahaan diiradda saarayaa adeegsiga xirfadaha casriga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response