Wasiir kuxigeenka Diinta iyo Awqaafta Hirshabelle oo lagu diley caawa magaalada Jowhar

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 395 views

Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle isla markaana ahaa wasiir kuxigeenka wasaarada diinta iyo owqaafta Hirshabelle Nuur  Xaashi Warsame ayaa lagu weeraray caawa magaalada Jowhar iyadoo la sheegay inuu u dhintey xildhibaanku rasaastii lagu ridey.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanka uu ka soo baxay masjid ku yaal xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.

Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu horeeyay ee lagu aasaasay baarlamaanka Hirshabelle.

Bil kahor ayaa wasiirkii beeraha dowlad goboleedka Hirshabelle kana mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Cabdqaadir Abuukar Karaani lagu diley magaalada Jowhar.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana la sheegay in raggii ka dambeeyay dilka wasiiru dawlaha ay goobta ka baxsadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response