Suudaan oo lagu xiray dad abaabulayey qaraxyo

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 472 views

Saraakiisha dalka Suudaan ayaa sheegay in la xirey 41 nin oo lagu eedeeyay in ay heystaan tiro badan oo walxaha qarxa ah.

Waxyaabaha lagu qabtay waxaa kamid ah affar kontaynar oo ay ku jirto maaddada kiimakaad ee ammonium nitrate, oo ah tii sababtay qaraxyaddii bishii hore ka dhacay dekada magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.

Dacwad oogaha dowladda ayaa sheegay in xaddiga kiimadan baabi’in karto magaalada Khartoum.

Afhayeen u hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in arrintan looga shakisan yahay in lagu waxyeeleeyo dowladda ku meel gaarka ah ee dalka iminka ka talisa, inkastoo uusan sheegin caddeyn rasmi ah oo eediisa loo daliishan karo.

Like it? Share it!

Leave A Response