Somaliland Oo Agaasimayaal Xabsiga Dhigtay Kadib Baaritaan Dheer

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 391 views

Somaliland ayaa Xabsiga u taaxabtay Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ki jiraan Agaasimayaal, waxaana wararku ay sheegayaan in uu ku socdo baaritaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Hanti Dhawrka Guud uu Shalay Iyo Maanta Baadhitaan Ka Waday Xarunta Maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley ayaa Maanta oo Khamiis ah waxay Xabsiga utaxaabeen sida la sheegay Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lasoo sheegayaa in shaqaalaha la xiray horay dabagal loogu hooyay, haatanna uu baaritaan ku socdo.

Shaqaalahan La Xidhay Ayaa Kala Ah:

(1)Agaasimaha Waaxda Maaliyada Iyo Maamulka Iyo Lacagta Ee Dawlada Hoose

(3)mushaarbixiyaha Dawlada Hoose

(4)Masuulka Bixiya Shidaalka Dawlada Hoose

Sababaha keenay in la xiro shaqaalaha iyo Agaasimayaasha ayaa lagu sheegay Baadhitaanada ay Hanti-Dhawrku Ka Wadeen Xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley, iyadoo xabsiga la dhigay tuhmanayaal uu baaritaan ku socday.

Like it? Share it!

Leave A Response