Wasiirka arimaha Gudaha Hirshabelle oo beeniyay warqad lagu faafiyay baraha Bulshada

by admin | Tuesday, Oct 15, 2019 | 588 views

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Hirshabelle ayaa kahadlay warqad la sheegay in ay been abuurtahay lana farsameeyay islamarkaana Baraha Bulshada ay soo dhigeen shaqsiyaad dano gaar ah leh, sida wasiirku sheegay.

Waxa uu wasiirka sheegay in Xubnaha kuqoran warqadaasi laga been abuurtay, waxaana dhinaca kale uu sheegay in warqada saxda ah iyo cida saxda ah la ogaan doono marka ay qabsadaan howshooda.

Ujeeda Gudiga ayaana ah xaqiijinta Xuduudaha Hirshabelle iyo KGS iyaga oo kaashanaya Gudi Xuduudaha Madaxa banaan ee Dalka, sidaas ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle ka soobaxay.

Like it? Share it!

Leave A Response