Taliyeyaasha qaar ee Saldhigyada oo xilalkii laga qaaday

by admin | Tuesday, Oct 15, 2019 | 812 views

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilka ka qaadis iyo Magacaabis ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa taliyeyaasha qaarkood u magacaabay xilal Sare halka kuwana xilalka laga qaaday oo kuwa cusub la Magacaabay.

Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkiinley

Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Korow) ayaa  loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska  ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo horay u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde

Taliyaha Bimadka ciidanka boliiska ayaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed

Taliyaha Daraawiishta boliiska ayaa laga dhigay Gashanle sarre Cabdulaahi Mire Siyaad

 Taliyaha qaybta Galbeed ayaa loo Magacaabay Maxamuud xuseen.

Taliyaha Laanta socotada cidanka boliiska Cabdirashiid Aadan xirsi.

Like it? Share it!

Leave A Response