Guddoomiye ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda G/Sh/Dhexe iyo wiil uu dhalay oo lagu dilay Jowhar

by admin | Sunday, Oct 13, 2019 | 564 views

Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Jowhar, isaga iyo wiil uu dhalay.

Qaraxa oo ahaa Bam gacmeed ayaa daqiiqado ka hor lagu weeraray guriga uu magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle ka deganaa Allaha u naxariistee Maxamed Suugaal oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxdii falkaas ka dambeysay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana guddoomiyaha la geeriyooday wiil uu dhalay oo guriga kula sugnaa.

Durba askar ka tirsan booliiska maamulka Hir-Shabeelle ayaa gaaray goobta lagu dilay masuulkaas ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna haatan baaritaano ka wadaan xaafadda Hanti-wadaag oo ah xaafadda uu dilku ka dhacay.

Marxuumka ayaa guriga uu ka daganaa Jowhar waxa uu ku yaalla meel koonaha ka ah magaalada, oo ka tirsanĀ  xaafadda hanta-wadaag oo ka mid ah xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad u sii xumaanaya, iyada oo ay xusid mudan tahay in Jowhar ka mid ahaan jirtay magaalooyinka ugu nabadda badan koonfurta Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response