Wasiirka Arrimaha dibadda dal Afrikan ah oo yimid Hargeysa + Sababta+sawiro

by admin | Saturday, Dec 19, 2020 | 430 views

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka ayaa maanta soo kaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, isaga oo booqasho rasmi ah ay uga billaabatay Somaliland.

Eisenhower ayaa noqonaya mid ka mid ah ma’suuliyiintii ugu sarreysay ee booqda Somaliland, oo ku dhawaad 30-sano ka hor ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi.
Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dhinac u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer.
Muuse Biixi ayaa weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga Somaliland, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

Mr. Eisenhower Mkaka oo sanadkaan gudahiisa la magacaabay ayaa durba dhaqdhaqaaqyo waa weyn sameeyay, waxa ugu weyn ee lagu xasuusan doono waxey tahay inuu noqday wadankii ugu horreeyay Afrika ah ee xiriir dhow la sameysta Yahuudda.

Mkaka ayaa sidoo kale sheegay in safaaradda Malawi ay Israel ku leedahay ay u rarayso magaalada Qudus ee dhulka Falastiin, sidoo kalana wuxuu taageero weyn u muujiyay sheegashada dalka Marocco ee saxaraha galbeed.

Wasiirka wuxuu usoo tallaabo qaaday Geeska Afrika isagoo doonaya inuu wadaxaajood la sameeyo maamul doonaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, mana ahan wadankii ugu horreeya ee maamulka Somalilanad xiriir diblomaasi la sameeya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee wasiirka keentay Hargeysa, balse waxaa la sugid doonaa haddii Malawi ay qeyb ka noqoto wadamada qunsuliyadaha ka furtay halkaas.

        

Like it? Share it!

Leave A Response