Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo ku wajahan Deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya ee weerarradu ka dhacaan.

by admin | Friday, Jul 14, 2023 | 130 views

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku wajahan deegaannadda dhowaan weerarrada ay ka geysatay ‘AS’ ee xiga Xadka Dalkaas uu la wadaago Soomaaliya si uu ula kulmo dadka deegaannadaas.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, safarka Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale waa mid uu u kuurgalayo xaaladda Amniga, sidoo kale kula kulmayo Dadka Deegaannadaan si uu ugala hadlo la dagaalanka ‘AS’ iyo la shaqeynta Hay’adaha Amniga.

Magaalada Wajeer ayuu ka booqan doonnaa deegaannada ay ka dhacayeen Dilalka iyo beegsiga loo geystay Ciidamada, Mas’uuliyiinta iyo Dadka ku safra deegaannadaas oo cabsi xooggan soo wajahday maalmihii u dambeeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa qiimeynta Amniga deegaannada dhaca Soohdinta Soomaaliya si uu dadka deegaannadaas ku nool uu ugala hadlo kaalintooda in ay ka qaataan la dagaalanka ‘AS’.

Kenya ayaa ciidamada Booliiska ah waxa ay ku xoojisay askar Militari ah si ay wadajir isaga kaashadaan la dagaalanka ‘AS’ loona soo afjaro weerarrada kusoo kordhay deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhowaan ku dhawaaqay in Ciidamada Dalkiisa ee Jooga Soomaaliya ay xoojinayaan howlgallada ka dhanka ‘AS’ si deegaannada dhaca Xuduudda looga fogeeyo weerarada Shabaab waa sida uu yiri.

Like it? Share it!

Leave A Response