Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir oo mas’uuliyiinta Degmooyinka uga digay la shaqeynta ‘AS’.

by admin | Friday, Jul 14, 2023 | 121 views

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo la hadlay Mas’uuliyiin katirsan Degmooyinka Gobolkaan ayaa uga digay in wax lala wadaago ‘AS’.

Yabooh ayaa sheegay in mas’uulkii lagu ogaado in uu wax la wadaago ‘AS’ lasoo qaban doonno lana horgeyn doonno caddaaladda si loogu ciqaabo waxa uu mudan yahay, si looga hortago dhibaatooyinka uu tilmaamay in ay ‘AS’ geysan karto.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa sheegay in caddaaladda loo siman yahay, qof weliba oo lagu caddeeyo in uu wax la wadaagay ‘AS’ la horgeyn doonno Maxkamad.

“Mas’uuliyad inta uu doonno hala ekaato qofkii khawaarij u dhawaada, ku raad-yeesha ama maalin wax dhexmareen Caddaaladda ayaa soo qaban doonto, u maleynmaayo in dhibka ay dalka ka wadaan ama caasimadda ka wadaan in ay kaligood wadaan, dad naga mid ah maamul ama hay’adaha amniga haku jiraan ama dadka shacabka ah haku jiraan ayaa hoggaaminaya, qofkii mas’uul ah ee la ogaado in uu khawaariij la shaqeynayo wuu ka dambi badan yahay Shacabka, qof weliba waa in uu ka dheeraadaa” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhanka kale sheegay in uu la xisaabtan ku sameynayo mas’uuliyiinta si qofkii lagu helo in uu la shaqeynayo ama wax la wadaagayo ‘AS’ loo qabto loona horgeeyo Maxkamad.

Like it? Share it!

Leave A Response