Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Xaanshi u diray Madaxweynaha Ruushka.

by admin | Friday, Jul 14, 2023 | 109 views

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xaanshi u diray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin taas oo salkeedu tahay in aanay Ruushku ku qancin joojinta hindisaha dibadda loogu dhoofiyo Sarreenka.

Guterres ayaa si cad u sheegay in haddii markale ay dhacdo in duullaanka Ruushka uu saameyn taban ku reebo Sarreenka la dhoofiyo ay noqon doonto dhibaato kale oo dunida kusoo korortay balse had iyo jeer Qaramada Midoobay ay diidan tahay tallaabooyinka xayiraadda ah.

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo faah-faahin kooban ka bixiyay isaga oo aan ku dheeraan macluumaadka ayaa sheegay in muhiimadda nuxurka Antonio Guterres yahay in laga hortago wax weliba oo dhibaato ku ah in la hor istaago Dekedaha Gargaarka laga qaado.

Waxa uu suuragal ka dhigay in 18ka Bishaan July 2023 dib loo ambaqaadi doonno heshiiska lagu xoojinayo goobaha gargaarka laga qaado ee Dekedaha ah laga fogeeyo colaadda Militari si aanay u joogsan gargaarkaas loo dhoofinayo Dalalka gaajadu ka jirto.

“Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dedaal ku bixinaya inuu xidhiidh la sameeyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in horumar laga sameeyo soo jeedintiisa, isaga oo xidhiidh la samaynaya Ruushka” ayuu yir Afhayeen u hadlay Antonio Guterres.

Qaramada Midoobay iyo Ruushka waxaa horay u dhexmaray heshiis salkiisu ahaa in uusan joogsan gargaarka laga raro Dalka Ukraine ee uu ku duullay 24kii Febaraayo 2022, heshiiskaas ayaa u muuqda mid sii dhammaanaya oo ay kasii afeefaneyso QM.

Like it? Share it!

Leave A Response