Cabdiweli Gaas: “Talada marka la badiyo waxaa kordha is fahamka & Wadajirka”.

by admin | Friday, Jul 14, 2023 | 123 views

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ahna Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda uu lahaa Shirkii wadatashiga ee Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay Madaxdii hore ee Dalka & siyaasiyiinta qaarkood si loo eego qodobo badan.

Gaas ayaa tilmaamay in si niyad-sami ah oo is qancin ah uu kusoo dhammaaday shirkaas oo Warmurtiyeedka laga soosaaray, waxa uu sheegay in ay ku qanceen warbixinnada uu Madaxweynaha JFS ka siiyay qorshaha Deyn Cafinta, La dagaalanka ‘AS’ & howlaha ay dardargelineyso Dolwadda.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee DG Puntland ayaa sheegay in Dooddu ay adkeyd oo mas’uul weliba ka qaybgalay fadhiga uu gudbiyay aragtidiisa iyo doodaha uu ka qabo qodobada miiska lasoo dhigay oo ugu dambeyn qof weliba uu meesha ka tegay isaga oo ka heysta xog ka badan aragtidii uu qabay waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dood badan baa dhaceysay sababtoo ah meelaha qaar aragtida ayaa kala duwaneed oo waxaa laga yaabaa in aan aad la isugu dhaweyn meelaha qaar, Runtii si niyad-sami ah ayuu shirkaas kusoo gabagaboobay, Madaxweynaha waxa uu warbixin dheer naga siiyay arrimaha Deyn cafinta & la dagaalanka ‘AS’ markii uu inoo warramay ayuu nasiiyay wax badan oo dad badan ku qanceen” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Puntand Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar uu ka hadlay Maqnaashiyaha Dowlad-Goboleedkaas iyada oo laga wada hadlayo qodobo muhiim ah oo masiirka Dalka quseeya sheegay in loo baahan yahay in Dowlad-Goboleedkaas ka qaybqaadato arrimaha socda.

Like it? Share it!

Leave A Response