Maxkamadda ICC oo Gal baaris cusub ka furtay xadgudubka ka dhacay Suudaan.

by admin | Friday, Jul 14, 2023 | 173 views

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC loosoo gaabiyo ayaa ku dhawaaqday in ay baaris xooggan ka furtay tacadiga ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan ee salkiisu yahay dagaalka u dhaxeeya labada Janan ee lagu kala magacaabo Cabdifitaax Alburhaan & Maxamed Daqlo.

ICC ayaa sheegtay in bog cusub oo lagu diiwaangelinayo xadgudubyada ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan furtay si loo ciqaabo dadka ka dambeeya dhibaatooyinkaas loo geystay dadka aanay awoodin in ay is difaacaan.

War kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu shaaciyay in la hayo raadad muuqda oo la raaci karo si loo ogaado dhibaatooyinka ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan wixii ka dambeeyay 15kii April 2023 oo ah xilliga uu dagaalka dhacay.

Goobjoogayaal kala duwan oo ku sugan Magaalooyinka ay ku dagaalameen ciidamada awood ahaan isu dhigma kala adkaan la’ ayaa ku warramay in dadka qaar ee dagaalka ku dhintay meydkooda ay cuneen eeyaha taasina ay xadgudub weyn tahay.

Qof qariyay xogtiisa iyo Magaciisa ayaa sheegay in Suudaan Tacadi weyn ay ka geysteen ciidamada labada Janan oo haddii si dhab ah loo baaro la helayo caddeymo xooggan oo sababi kara in raggaas lagu maxkamadeyn karo.

Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada u qaabilsan Qaramada Midoobay loona soo yareeyo ICC ayaa horay u dalbatay in loo gacangeliyo Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir oo ay u jartay Xaanshida lagu soo xirayo balse maamulka gacanta awoodda ku haya ee afgambiyay madaxweynahaas ayaa diiday.

Like it? Share it!

Leave A Response