Al-shabaab oo weerar khasaare geystay ku qaaday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Jul 15, 2023 | 135 views

Xubno ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa Xalay saqdii dhexe weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac leh geystay ku qaaday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Deyniile.

Xubnaha dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarka ku qaaday barta koontarool ayaa la sheegay iney wateen gaari Homey ah,  waxaana markii ay soo gaareen koontaroolka lagu magacaabo Tiida ee ku yaala wadada isku xirta Deyniile iyo Daarusalaam ay mar qura rasaas xoogan ooda kaga qaadeen askartii ku sugneyd koontaroolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen sadax ka mida askarta ciidanka dowladda ee ku sugneyd koontaroolka Tiida ee degmada Deyniile, waxaana goobta isaga baxsaday dagaalamayaashii Al-shabaab ee weerarka fuliyay.

Weerarka Xalay ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shabaab ay sanadahii dambe weerar toos ah oo noocaan oo kale aysan ka geysan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, hayeshee mudooyinkii dambe waxaa muuqata in awoodii kooxda ay dib u soo rogaal celineyso oo ay kordhiyeen weerarada ay geysanayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response