Wasiiru Dowlaha madaxtooyada oo sabab u noqday in Sahra Axmed Mustaf laga reebo tartanka Baarlamaanka Australia!

by admin | Thursday, Aug 12, 2021 | 280 views

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Macalin Khaliif, ayaa gabar Soomaali ah kuna nool dalka Australia u horseeday in laga reebo tartan ay u geli lahayd kamid noqoshadda baarlamaanka waddankaas.

Sida uu qoray wargayska The Age, Xasan Macalin Khaliif oo adeer u ah Sahra Axmed Mustaf ayaa u diray lacag taasoo sababtay in xisbiga Liberal-ka oo ay xubin ka tahay in uu kala noqdo kalsoonida musharaxinimada kursi laga soo doorto waqooyi-bari caasimada Melbourne.

Wargayska sooma bandhigin inta ay dhantahay lacagta Wasiir Khaliif u diray Sahra Musraf oo kalsoonida xisbigeeda weyday Isniintii todobaadkan kuna fashilantay codsi ay gudbisay oo ahaa in ay iska soo joojisay lacagta markii guddi ka tirsan Liberal-ka uu ka saaray liiska.

May be an image of 4 people and people standing

Khaliif oo bedelay Cabbdulkadir Sheekh Cali Baqdaadi oo hadda ah musharax madaxwayne ayaa kamid ah saaxiibada Fahad Yaasiin Daahir, madaxa hay’ada sirdoonka qaranka iyo gacanta midig ee madaxwaynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo sida ay xaqiijiyeen dhowr ilo wareed.

“Walaaca ma ahan in taageerada maaliyadeed ee Sahra ay gedaal ka riixeyso dano dowladda Soomaaliya ka leedahay baarlamaanka [Australia] balse waxaa walwalku daaran yahay in xisbiga Liberal-ka uu arrintan darteeda weerar siyaasadeed kala kulmi karo dhigiisa shaqaalaha,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska.

Sahra Khaliif oo u warantay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa “sharci darro” ku tilmaamtay in loo diidey in ay tartanto. Sidoo kale, waxay ku doodey in lacagta uu Adeerkeed ugu soo diray “maadaama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado”.

“Waxa dhacay waa wax qalad ah, inay i dhaheen ma tartameysid, waxyaabaha ay ii dhaheena ay tahay wasiir adeer ii ah oo lix billood ka hor wasiir ka noqday Soomaaliya uu ii soo diray, oo hadyad ahaan maalmaha ciida ah ugu soo diray ilmaheyga maadaama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado,” ayay tiri.

“aniga ayaa u sheegay oo daacad ah, waxaan u sheegay labo billood ka hor si aan sharciga u jabin oo aan u ilaaliyo” ayay tiri Sahra.

Australia waxaa qasab ku ah musharaxiinta ku cusub xisbiyada in ay wajahaan shuruuc adag waxaana kamida in aysan taageero maaliyadeed ka heli jiray qaraabadooda ku sugan dibada.

Sahra waxay xisbiga ku biirtey sanad kahor waana sababta ay ugu baahatay in ay hesho ogolaanshiyo gaar ah si ay ugu tartanto xeerdejinta. Doorashadda baarlamaanka Australia waxay qabsoomeysaa dhamaadka 2021 ama horaanta 2022-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response