Waxaa bishii lagula heshiiyey $425 balse dollar lama siin – Dhallinyaro ka cabanaya DF iyo maamulka G/Banaadir

by admin | Tuesday, Aug 25, 2020 | 378 views

Qaar kamid ah dhallinyarada degmooyinka gobalka Banaadir ee ka qeybta ahaa olalaha ka hortagga cudurka safmarka ah ee Covid-19, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda caafimaadka iyo maamulka gobalka Banaadir aysan bixin mushaarkii dhallinyaradii howshaan waday.

Mushruuc wacyi gelin ah oo soconayay muddo laba bilood ah, bishiina lagu qaadanayay lacag dhan 425$ ayaa la siiyay dhallinyarada Muqdisho, hase yeeshee waxaa ilaa hadda ka maqan lacagtaas.

Mushruucaan labada bilood ah ayaa soo dhamaaday 30-kii bishii July ee sanadkaan waxaana wixii markaas ka dambeeyay albaabada laga xirtay dhalinyaradii howshaan waday.

Qaar ka mid ah dhallinyarada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay wajahayaan jahwareer islamarkaana loo sheegay in aanan lasiin doonin lacagta ka maqan haddii ay warbaahinta ka hadlaan.

Sidoo kale dhalinyaardaan ayaa qaabilsanaa diiwaan gelinta dadka uu cudurkaan haleelay, waxeyna ka soo diiwaan gelin jireen xaafadaha taas oo ay kala kulmi jireen dhibaatooyin badan.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga jawaabayo cabashada dhalinyaradaan ay ka maqantahay xuquuqdii ay lahaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response