rshaha ‘dhabta ah’ ee ciidamada DANAB loo geeyay magaalada Jowhar

by admin | Tuesday, Aug 25, 2020 | 384 views

 Ciidanka milateriga gaarka ah ee Kumaan dooska Soomaaliya ee DANAB ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Ciidankaan oo wata gaadiid dagaal ayaa safar dhulka ah uga baxay Muqdisho waxeyna dageen gudaha magaalada Jowhar iyadoo ay arintaasi ka dhalatay hadal heyn badan.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma ogeyn ujeedka ciidanka ay u tageen, waxaana jiraty warar soo baxay oo qaarkood sheegayey in la doonayo in loo adeegsado doorashada HirShabelle, si la mid ah tii Galmudug.

Hase yeeshee, qaar kamid ah saraakiisha DANAB oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidankaan aysan wax lug ah ku laheyn arrimaha doorashada iyo siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana qorshaha ay ku gaarene Jowhar ay aheyd arrin soo socotay muddo sanad iyo bar ah.

“Ciidankaan siyaasad shaqo kuma lahan, xitaa madaxweyne Farmaajo kama war qabo safarkeena, wax doorasho la xariirana uma bixin, waa ciidan cusub oo dhawaan tababar ka soo baxay waxaana ugu talagalnay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Danab oo la hadlay Caasimada Online.

“Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, intaasba waxaan ku leenahay saldhigyo, HirShabeelle waa meesha keliya ee aanan daganeyn, hadda ayaana soo dagnay waxaana ugu wacan Shabaabakii aan ka soo saarno Sh/Hoose waxa uu galaa Sh/ Dhexe marka howlgal wadajir ah ayaa sameyn doonaa,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in todobaadkaan dhamaadkiisa uu si rasmi ah u billowdo qorshaha iyo abaabulka doorashada maamulka HirShabelle, waxaana arrintan waddo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdi ka socda Villa Somalia ayaa la filayaa in ay dhawaan gaaraan Jowhar islamarkaana ay bilaabaan olalaha doorashada maamulkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response