Weerar ka dhacay qardho.

by admin | Sunday, Oct 2, 2022 | 389 views

Wararka naga soo gaaraya Maaalada Qardho ee degaannada Puntland ayaa sheegaya in Rasaas xoogan laga maqlayo Magaalada Qardho kadib markii maleeshiyo Beeleed hubeysan ay weerareen Saldhigga Booliska Magaaladaas.

Wararka la helay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeysan ay diidan yihiin in Xabsiga Magalada Garoowe loo gudbiyo Dhalinyaro ku heyb ah oo Maxkamadda Qardho xukun ku riday.

Qaar kamid ah dadka Magaalada Qardho ayaa sheegay in uu istaagay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada dheer ee laamiga ah, sidoo kalena dagaalka uu sameeyay socodka Ganacsia magaalada.

laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Qardho ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga Booliska Magaalada, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarka.

Like it? Share it!

Leave A Response