Xeer Ilaalinta Qaranka oo shaacisay tirada Guud ee dadka loo heysto Musuq-maasuqa

by admin | Sunday, Jul 9, 2023 | 87 views

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida Warbaahinta Qaranka ay ogaatay.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in markii ay soo dhamaato barista ku socota eedeysanayaasha harsan loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dowladdiisa ay dagaal adag la geli doonto mas’uuliyiinta ku kaca arrimaha musuq-maasuq, waxaana xusid muran mas’uuliyiin lagu soo eedeeyay arrimahaas ay dalka ka baxsadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response