Wasiirkii maaliyadda ee la ceyriyay oo soo hadlay: Waxaan ka tegayaa xafiiska anigoo…{AKHRISO}

by admin | Sunday, Jul 9, 2023 | 142 views

Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ay xalay saameysay magacaabistii iyo isku shaandheyntii uu sameeyay ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadlay.

Wasiirka oo qoraal dheer soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay, isaga oo soo dhaweeyay Biixi Iimaan Cige oo xilkan loo magacaabay.

Dr Cilmi ayaa sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddada uu joogay xafiiska, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka qabtay barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda, sidoo kalena uu bixyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha dowladda dhexe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah”.

Si kastaba, xilka qaadista lagu sameeyay wasiir Cilmi ayaa loo sababeynayaa xiisaddii ka dhalatay shaqo joojintii uu laba maalin kahor ku sameeyay xisaabiyaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha guud ee dakhliga, walow uu markii dambe ka laabtay kadib cadaadis xoogan oo uga yimid xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.

Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.

Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool  ah  ugu adeegno dadkeena.

Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle  u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah.

Like it? Share it!

Leave A Response