Labaatameeyo qof oo lagu dilay Duqeyn ay fuliyeen Diyaarado Dagaal

by admin | Sunday, Jul 9, 2023 | 82 views

22 qof ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Suudaan ka geysteen magaalladda Um Durmaan ee Galbeedka caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Milliteriga Dowladda ayaa lagu sheegay inay Hawlgal ka fuliyeen magaalladda Um Durmaan, kuna dileen 20 dagaalyahan oo ka tirsan ciidanka Gurmadka Degdega ee RSF.

Qoraalka waxaa kale oo lagu xusay in duqeymahaasi lagu burburiyey Gaadiidka nooca Dagaalka. Dhanka kale, Iska-horimaadyo ayaa waxa uu  Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF maanta ku dhex maray Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu dagaalku ka qarxay Koonfurta Khartoum, iyadoo la isku adeegsaday Hubka Fudud iyo kuwa Culus.

Sidoo kale, waxaa la soo weriyey inuu Dagaal ka dhacay magaalladda Baxriyah   ee Waqooyiga Khartoum,  iyadoo Diyaaradaha Dagaalka ay Duqeyn geysanayeen, lana maqlayey Dayanka Madaafiicda.

Si kastaba, dagaalka Suudaan oo ku-dhawaad 4 bilood socda waxa uu gallaaftay in ka badan 3,000 oo qof oo badankooda dad Rayid ahaa, halka ay 2.8 milyan oo kalena noqdeen Qaxooti u qaxay dalalka deriska iyo kuwa ku barakacay gudaha dalkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response