by admin | Sunday, Jul 9, 2023 | 101 views

Xildhibaannada iyo Senatarrada Maamul Gobaleedka Puntland ku metela Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo maalimih ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa soo jeediyey; in la joojiyo arrimaha dastuur furista, la qabto doorashada golayaasha deegaanka ee Nugaal iyo in la aado doorashada madaxtinomo ee  Jenuary 8, 2024-ka.

Warsaxaafadeedka ayaa si wada jir u soo wada saaray lix Senator iyo afar Xildhibaan, iyaga oo shan qodob saldhig uga dhigay Bayaankooda ku aadan Xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal.

Halkaan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen Xildhibaannadaan:-

Xildhibaano ka kala socda labadda golle ee Baarlamaanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ku sugnaa mudo ku dhaw bil Garoowe, ayaa la kulmay Madaxweynaha, Madaxwayne kuxigeenka, Guddoonka baarlamaanka, Isimada ku sugan Garoowe, Bulshadda rayidka ah ee PUNSA, qaar ka mid ah Ururo siyaasadeedyadda Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadda Mudanayaasha ayaa daarnaa xal u hellidda khilaafka siyaasaddeed ee ka taagan caasimadda Puntland (Garoowe), iyo guud ahaan Puntland.

Sidoo kale waxa ay qayb ka mid ah Sanataraddu ay kala qayb galeen bulshadda Puntland dood wadaag furan oo doorashadda Puntland ku saabsanayd oo ka dhacday PDRC.

Xildhibaanada labadda Golle ayaa sidoo kale bulshada ku nool magaalada Laascaanood kala qayb galay munaasabadii 1-da Luulyo oo muddo 16 sano ka baddan aan Laascaanood lagu xusin, calan Soomaaliyeedna laga taaginin.

Dhamaan kulamaddas waxa ay mudanayaashu kagala hadlayeen cidkasta oo ay la kulmaan, khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka taagnaa ee gacan ka hadalka gaaray, in amniga Puntland la xoojiyo, muranka doorashaddana wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo, in sumcadda caasimadda Puntland si wada jira loo ilaasho, ayadda oo muddanayashu ay daddaal dheer u galeen in aan muranka doorashadda ee taggan uusan dhiig ku daadan, aysanna taas ku guulaysanin.

Haddaba mudanayaasha oo gudanayey waajibkoodda Dastuuriga ah ee ka saaran Puntland oo ah deegannka ay ku matalaan Soomaaliya waxa ay usoo jeedinayaan, Xukuumadda, Baarlamanka, Madaxdii horre ee Puntland, Issimadda, waxgaradka, culumadda, Bulshadda Rayidka ah, iyo siyaasiinta reer Puntland, qodobadaan hoos ku qoran:

  1. in la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qeyb-qaato xorreyntiisa si wadda jirra Bulshadda oo isku duuban.
  2. in si wada jira aan uwadda ilaashano amniga Puntland guud ahaan, gaar ahaana kan caasimadda oo ah muraayaddi Puntland.
  3. In gabi ahaanba la joojiyo wax ka badalka Dastuurka Puntland, oo sababay in dhiig reer Puntland isku daato, lagana waantoobo in Baarlamaanka Puntland ku dhaqaaqaan waxkasta oo dhibka sii kordhin kara, oo ay ugu horayso in wax laga baddalo Dastuurka qoddobaddisa.
  4. Maadama wakhtigii xukuumadda Puntland ee hadda jirta uu gabagabo yahay, aysana suurta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xiligeedi lagu qabto, doorashadda Puntkand la qabto 8-da January 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xulli jiray xubnaha Baarlamaanka.
  5. in sadexda dagmo ee Gobolka Nugaal ee golayaasha Deegaanka ee diiwaan galintoodu dhacday ka harsan, la qabto doorashadooda oo golayaashoodda deegaanka la soo doorto.

Magacyadda Mudanayasha

  1. San. Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde
  2. San. Cabdiqani Geele Maxamed
  3. San. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
  4. San. Sareedo Maxamed Jayte
  5. San. Saynab Ismacil maxamed ( Tiimbiye)
  6. San. Maxamed Cabdi Cismaan (Maajino).
  7. Xil. Sahra Cabdullahi Bundunte
  8. Xil. Cabdullahi Bidhaan Warsame
  9. Xil. Cali Yuusuf Calixoosh
  10. Xil Cismaan Cali Yusuf
Like it? Share it!

Leave A Response