Xeerarka barakacayaasha Soomaaliya oo la dejiyey’

by admin | Monday, Dec 16, 2019 | 629 views

Hay’adda Caalamiga ah ee Refugees International ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Somalia iyo maamulada federaalka ah ay dejiyeen xeerar iyo qodobo lagu ilaalinayo xuquuqda Barakacayaasha isla markaana laga caawinayo inay dib u dejin loo sameeyo.

Hay’adda ayaa tilmaantay in iminka la gaaray xiligii la dhaqangalin lahaa qodobadaasi muhiimka ah oo xal waara u noqon kara Barakacayaasha.

Dhinaca kale, Basma Caamir oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Banadir ee arrimaha bulshada ayaa ka warantay warbixintan iyo doorka uu gobolka Banaadir ka qaadanayo xal u helidda dhibaatada Barakacayaasha.

Waxaa ay sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir uu horey u furey Xasiiska loogu talo galay in lagula socdo xalka waara ee Barakacayaasha kaas oo uu daahfuray guddoomiyihii geeriyooday ee Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.

Like it? Share it!

Leave A Response